Site icon HORUFADHI MEDIA |

Nin u tartamay kursi ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu dilay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo xalay gudaha degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir ku dilay nin kamid ahaa ragii u soo tartamay xubinimada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta gudaha ayaa u sheegay in rag watay bastoolado ay siyaasiga ku dileen meel ku dhow Waaxda Tima Cade ee degmadaasi Wadajir, wuxuuma xiligaasi ka soo baxay Masjid uu kusoo tukaday salaadii cishaha.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Xuseen Sebriye oo ku Magac dheeraa Guuleyste, kaasi oo u tartamay kursiga Hop#33 ee uu kusoo baxay Xildhibaan Yuusuf Kabaale.

Ciidamadda amaanka ayaa daqiiqado kadib tagay halka dilka uu ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgalo baaritaana ah, iyadoo laamaha amaanka ay ku guul dareysteen iney gacanta kusoo dhigaan danbiilayaashii dilkaasi toogashada ah geystay.

Exit mobile version