Site icon HORUFADHI MEDIA |

Nin hubeysan oo Maxkamadda Jowhar ku hordilay Rag dil u geystay wiilkiisa

Nin hubeysan oo ka tirsan ciidanka macwiisleyda ayaa maanta Xarunta Maxkamad ku taalla magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dhex dilay laba Nin oo ku eedeeysna dil loo geystay wiilkiisa oo da’diisa aheyd saddex sano jir.

Toogashada uu Ninka hubeysan u geystay labada Nin ayaa timid, kadib markii raggaas oo ku eedeysnaa dilka wiilka yar ay kasoo baxeen hoolka Maxkamadda, isla markaana Guddoonka Maxkamadda uu sheegay in xukunka labada Nin dib laga shaacin doono.

Dad ku sugnaa goobta ayaa waxaa ay sheegeen in Ninka hubeysan ee ka tirsan macwiisleyda oo careysnaa uu ka biyo diiday Go’aanka Maxkamadda, isla markaana uu mar qura rasaas ku huwiyey labada nin oo durbadii goobta ku dhintay.

Ninka dilka geystay ayaa waxaa wiil yar oo uu dhalay dhowr habeen kahor meydkiisa laga helay xaafada Kulmis ee magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana dilkaas loo soo qabtay ragga la dilay .

Illaa hadda ma-jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka magaalada Jowhar oo ku aadan dhacdadaan oo maanta si weyn looga hadal-haayay magaaladaas.

Exit mobile version