Site icon HORUFADHI MEDIA |

MW Xasan Sheekh oo safar qarsoodi ah ku jooga Imaaraadka & xogta laga helay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa safar qarsoodi ah saddex maalmood haatan ku joogo magaalada Abu Dhabi ee caasimadda dalka Imaaraadka Carabta.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diyaarad qaas ah ka raacay Garoonka diyaaradaha Aadan ee magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa wafdiga Madaxweynaha uu ahaa mid aad loo kooban oo dad badan aysan raacin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay qaar kamid ah Madaxda ugu sarreeysa Imaaraadka, isla markaana waxaa uu kala hadlay arrimo ay kamid yihiin sidii taageero dhinacyo kala duwan leh loo siin lahaa dowladiisa, sida arrimaha dhaqaalaha iyo milatariga.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in qorsheyaasha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u tegay magaalada Abu Dhabi ay qeyb ka tahay arrimo dhanka Caafimaadka, waxaana la sheegayaa inuu mari doono baaritaano Caafimaad.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan shaacin xogta safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo sawirrada tagistiisa dalkaasi Imaaraadka.

Waa safarkii labaad uu Madaxweyaha ku tago dalka Imaaraatka Carabta mudada lixda bil ee uu xafiiska joogo, wuxuuna safarkiisii koowaad ee uu dalka uga boxo dib u doorashadiisii kadib ay eheyd dalkaasi Imaaraatka.

Exit mobile version