Site icon HORUFADHI MEDIA |

MW Xasan oo ka Warbixiyey howlgalada socda Digniina u diray shacabka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobolada dalka, gaar ahaan waxaa uu si gaar ah uga dhacay degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo duubay muuqaal soconaya 21 daqiiqo ayaa waxaa uu ku sheegay in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ay si nabad ah kula wareegeen Aadan-yabaal oo sanno badan ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Wuxuu tilmaamay Madaxweynaha in tallaabo wanaagsan ay tahay qabashada degmaa faca weyn ee Aadan-yabaal, isagoona xusay in Gobolka Shabeellaha Dhexe degmada kaliya ay Al-shabaab kaga sugan yihiin ay tahay degmada Runir-good.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Shabaab ay hore usii afduubteen Shacabkii magaalada oo ay wateen, taasoo sabab uu uga dhigay in koxodan ka cabsi qabto in kaligood la duqeeyo, wuxuu kaloo sheegay in Shabaab ay laba kamid ah ceelashii Aadan Yabaal ay ka siibteen Bambadii uu ku shaqeynayay.

Si kastaba, la wareegidda degmada Istiraatiijiga ah ee Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa loo arki karaa inay tahay bilowga dhammaadka Al-Shabaab ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Exit mobile version