Site icon HORUFADHI MEDIA |

MW Ruushka oo Warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Somalia

Madaxweynaha dowladda Ruushka Vladimir V. Putin ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka Cusub ee Soomaaliya u magacowday dalkaasi Ruushka Mudane Xasan Cabdi Daa’uud.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay aqalka madaxtooyada dalka Ruushka ayaa madaxweyne Vladimir V. Putin waxaa uu qudbad ugu jeediyay safiiradda cusub ee uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay kuwaas oo gaaraya 21 danjire oo ka kala socday dalal ka duwan oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Madaxweyne Putin, ayaa dowladda Soomaaliya u rejeeyay inay ka guuleysato dagaalka ay kula jirto xag-jirka iyo argagixisada iyo dadaalka ay ugu jirto sugidda wadajirka dhulkeeda.

Mudane Xasan Cabdi Daa’uud ayaa ka shaqeynaya kor u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalka Ruushka gaar ahaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha, waxbarashada, cafimaadka, ganacsiga iyo ciidamada.

Exit mobile version