Site icon HORUFADHI MEDIA |

MW Guudlaawe oo si kulul uga hadlay Qaraxyadii Maanta ee Maxaas

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen AUN dadkii maanta ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Maxaas.

Madaxweynaha ayaa markale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed  in si wadajir ah ay uga qeybgalaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda dalka.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Khawaarijtu waa u dhqan in qaraxyo ay ku weeraraan goobaha ay isugu yimaadaan shacabka, marna kana ka niyad jabi doonno ciribtirka khawaarijta” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay yihiin kuwo nolosha iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed diidan, Isagoo xusay in Shabaabka ay ku jabeen dagaaladii lala galay ee looga xureeyay deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dhamaan dadkii ku shahiiday qaraxii saaka ee degmada Maxaas in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

Exit mobile version