Site icon HORUFADHI MEDIA |

MW Farmaajo oo sharci darro ka dhigay heshiiska Shidaal uu saxiixay Wasiirka Batroolka

Wasiirka Batroolka Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay inuu saxiixay heshiiska la gaaray shirkadda Coastline Exploration LTD taasoo ay shidaal uga soo saareyso 7 xirmood oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Qoraal soo dhigay bariisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu heshiiska shidaalka la galay shirkadda Coastline Exploration LTD, isla markaana uu la ogaa Madaxweyne Farmaajo, balse Madaxtooyada ay beenisay Warka kasoo yeeray Wasiirka.

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka ayaa waxaa ay caddeeysay in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka”

Madaxweynuhu ayaa waxaa uu mar kale faray dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takrifalka hantida qaranka.

Madaxweynuhu wuxuu adkaynayay in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay’adaheeda.

Exit mobile version