Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Biden oo ku dhawaaqay inay difaaci doonaan dalalka Isbaheysiga NATO

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa hadalkaasi ku sheegay Khudbadiisa sanadlaha, isagoo xusay inay Ciidamo, diyaarado iyo Maraakiib dagaal u daabulaan Europe,  si ay u difaacaan dalalka Isbahaysiga NATO, oo ay ka mid yihiin Poland, Romania,  Lithuania,  Latvia iyo Estonia.

Waxa uu si cad u sheegay in dalkiisa iyo Isbahaysiga NATO difaaci doonaan Taako kasta oo ka tirsan Xuduudaha dalalka Isbahaysiga NATO.

Dhinaca kale,  Biden ayaa waxa uu cambaareeyey Duullaanka Ruushka ku qaadeen dalka Ukraine,  isagoo xusay inuu Madaxweyne Putin ku fashilmay Duullaankaasi, lana kulmay Gidaar Xoogan oo ay dadka Reer Ukraine kala hortageen.

Madaxweyne Biden ayaa waxa uu dhigiisa Raashiya ku sifeeyey “Keligii Taliye” doonaya inuu Cagta mariyo dalka Ukraine iyo Dunida Xorta ah.

Madaxweyne Biden ayaa waxa uu Khudbadiisa ku shaaciyey inay hawada Mareykanka ka xireen dhamaan Duullimaadyada Diyaaradaha Ruushka, wuxuuna Go’aankiisa u muuqdaa mid uu ku ayiday tallaabadii ay dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe iyo dalalka kale ee Reer Galbeedka Hawadooda uga xireen Duullimaadyada Diyaaradaha Raashiya,  sababo la xiriira Dagaalka Ukraine.

Exit mobile version