Site icon HORUFADHI MEDIA |

Muxuu yahay Codsiga uu Madaxweyne Xasan Sheekh u diray Ciraaq?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jeddah kula kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq Mohammed Shia al-Sudani.

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq.

Madaxweynaha  ayaa waxa uu ka mahad celiyay dowladda Ciraaq deyn ta ay ku laheyd  Soomaaliya 67% in ay ka cafiyeen. Waxaana labada dhan isla garteen soo nooleynta heshiiyadii hore uga dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ciraaq.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday dowladda Ciraaq inay Soomaaliya la wadaagaan khibradooda ku aadan la dagaalanka waxa loogu yeero aragagixisada madaama ay guulo wax ku ool ah ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen kooxaha argagixisada.

Exit mobile version