Site icon HORUFADHI MEDIA |

Muxuu RW Xamse Barre kala hadlay wafdi ka socday Qaramada Midoobay?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Sanduuqa Badbaadada Carrruurta ee Qaramada Midoobay, oo uu hoggaaminayay Agaasime Gobolleedka Bariga iyo Koonfurta Qaaradda Afrika ee UNICEF, Maxamed Fall.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdiga UNICEF ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan hawlaha samafal ee hey’adda ku hawlan tahay iyo kor u qaadista taageerada iyo gargaarka bini’aadanimo ee hey’addu siiso shacabka, gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed.

Agaasimaha ayaa sheegay in hey’addu ka go’an tahay xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee ay la leedahay Xukuumadda Soomaaliya, si loo horumariyo badqabka iyo caafimaadka carruurta Soomaaliyeed, isla markaana looga taageeri lahaa la qabsiga isbeddelka cimillada iyo saameynteeda dhinaca Soomaaliya.

Xamse ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta UNICEF taageerada bini’aadanimo ee hey’addu ku bixiso daryeelka carruurta Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay inay kor u qaadaan dadaalkooda ku wajahan sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka jira.

Exit mobile version