Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO: Muxuu RW Xamse Barre kala hadlay Mas’uuliyiin uu la kulmay?

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kulan is xogwareysi ah la yeeshay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hay’addaha dowladda oo uu faray dardar gelinta shaqada Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay sida ay muhiimka ugu yihiin agaasimeyaasha guud ee wasaaraduhu howl fulinta shaqooyinka dowladda, isagoo kula dardaarmay in si siman oo daacad ah ugu adeegaan dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku adkeeyey Agaasimeyaasha Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in shaqooyinka ka socda wasaaradaha aysan hakad galin xiligaan kala guurka ah, si uusan dib u dhac ugu imaan adeegyada wasaaraduhu u hayaan bulshada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

 

Exit mobile version