Site icon HORUFADHI MEDIA |

Muxuu MW Xasan Sheekh ka yiri Qaraar ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Somalia?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Qaraar ay shalay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qararka ayaa ku saleysan adkeynta tallaabooyinka lagu xaqiijinayo hufnaanta hanaanka maaliyada iyo tayo-soorka shaqaalaha, si looga hortago musuqa loona taabo galiyo xafiisyo dawladeed oo u shaqeeya dalka iyo dadka.

War kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Xasan ayaa lagu sheegay in Qaraarka uu adkeynayo, soona rogayaa halbeegyo la tacaalaya howlaha muhiimka ah, daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyadoo lasoo bandhigayo hantida masuuliyiinta qaranka, la kobcinayo awoodda hirgalinta, lana balaarinayo shaqaaleynta ku dhisan tayo-soorka.

“La dagaalanka musuqu ma aha kaliya waajib akhlaaqi ah, ee waxa uu, sidoo kale, halbeeg u yahay Soomaaliya ku naalloota horumar waara, cadaalad iyo sinaan. Sidaas darateed, waxaa naga go’aan inaan dhisno hanaan daah-furan, isla xisaabtan leh oo uu adeega shacabka Somaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Exit mobile version