Site icon HORUFADHI MEDIA |

Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri Dagaalkii ka dhacay Baydhabo?

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalkii shalay magaalada Baydhabo ku dhexmaray ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidanka la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed ee mucaaradka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeedinayay masaajidka Madaxtooyada ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalkii Baydhabo ka dhacay, kaasi oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo gaaray Askar iyo dad shacab ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in aan la joogin waqtigii arrimo siyaasadeed loogu dagaalamayo, isagoona ugu baaqay dadka isku haaya doorashada Koonfur Galbeed inay khilaafkooda ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka, si aan dhibaato kale u dhicin.

“Waxaan aad uga xumahay wixii Baydhaba ka dhacay, walaalaha reer Baydhaba waxaan leenahay colaad waa taqaanaan ee wixii idinka qaldama iska saxa, dhamaantiin waxaa tihiin ehel ee dagaalka iska dhaafa oo isku tura” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa sheegay inuu waqti badan ku bixiyey in wixii shalay dhacay aysan ka dhicin Baydhaba oo laga hortago, balse uu ka tacsiyeynayo gacan ka hadalkii dhacay ee khasaaraha nafeed dhaliyey.

Exit mobile version