Site icon HORUFADHI MEDIA |

Muuse Biixi oo Maanta ka hadlay Jabhada ka dilaacday Buurta Gacan-libaax

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta ka hadlay Jabhad hubeysan oo isku isku urursatay buurta Gacan-libaax, taasoo la sheegay inay ka soo horjeedaan maamulkiisa.

Muuse Biixi oo ka hadlaayay madal lagu soo Bandhigayay buug laga qoray Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ayaa sheegay inaaney arrintaas eheyn sida loo sheegay, isagoo hoos u dhigay saameynta Jabhadaas.

“Waxaan aaminsanahay inaanay wax dhibaato ahi dhacayn, oo aanay ka badnayn arrintu xafiiltan siyaasadeed oo marka doorasho la galayo aalaaba dhacda” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha ayaa xusay in maamulkiisu muhimad gaar ah siinayo sidii loo qancin lahaa dableydaas buurta Gacan Libaax isku uruursanayo.

Muranka doorashooyinka ayaa wali ka taagan Somaliland, iyadoo laga warsugayo halka uu xisbiga Waddani iska taagi doono jadwalkii doorashada ee dhawaan soo baxay, halka UCID uu ku kala jabay.

Exit mobile version