Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Salah Jama ayaa maanta xafiiskiisa shir kula yeeshay xubno kamid ah Golaha Wasiiradda Xukuumadda kaasi oo looga hadlaayey Isbadalka Cimilada Adduunka iyo saamaynta uu dalka ku yeeshay.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa Wasiiradda ka dhagaystay warbixinno ku saabsan hawlaha Wasaarad walba ku leedahay Isbedelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka.
Saalax ayaa dhankiisa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan qaabkii Wasaarad walba uga qayb qaadan lahayd ilaalinta deegaanka oo shalay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud uu daahfuray mashruuca dhiraynta dalka oo loogu magac daray Soomaaliya cagaaran oo dalkoo dhan dhir lagu beerayo.
Waxaa shirka qayb ka ahaa Wasiirada Wasaaradaha Maaliyadda, Qorshaynta, Deegaanka, Kalluumasiga iyo Khayraadka Badda, Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Waraabka iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.,