Site icon HORUFADHI MEDIA |

Mucaaradka Somaliland oo diiday Go’aano kasoo baxay Guddiga diiwaan-galinta…

Guddiga diiwaan-galinta ururrada iyo Ansixinta Asxaabta Somaliland ayaa sadexda xisbi Kulmiye, Waddani iyo UCID ku war geliyay in Maanta oo ay tahay 26-ka December ku egtahay mudadii dhaqangalka liisimada xisbiyadaasi.

Hasa yeeshee waxaa go’aanka guddiga ashatka u daruuray xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

Guddoomiyaha xisbigaas Feysal Cali Waraabe oo la hadlay BBC-da ayaa wuxuu sheegay in qoraalka ay soo saareen uu yahay mid sharci darro ah oo uu u yeeriyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Xisbiyada ay yihiin kuwo sharci ku fadhiya, balse maqaamkooda ay ku waayi karaan kaliya in la helo xisbiyo bedela.

Saddexda xisbi ee maanta guddidu sheegtay in uu ka dhacay liisankii sharci ee xisbinimo, ayaa kusoo baxay doorashadii ururada ee dhacday 28/12/2012, waxaana u dhamaaday 10 kii sanno ee uu sharcigu siinayay in ay kaligood ahaadaan xisbiyada siyaasada ee sharciga ah.

Qoraalka kasoo baxay guddiga ayaa la rumeysan yahay in uu gadaal ka riixayo madaxweyne Muuse Biixi oo sida la sheegay gacanta ku haya xubnaha guddigaan, kaasi oo khilaafka doorashooyinka kala dhaxeeyay xisbiyada mucaaridka ee Waddani iyo Ucid.

Si kastaba Mucaaradka Somaliland ayaa dhawaana shaaca ka qaaday in Muuse Biixi Cabdi aysan u aqoonsaneynin Madaxweynaha Somaliland, isla markaana uu muddo xileedkiisa dhammaaday 13-kii bishii hore.

Exit mobile version