Site icon HORUFADHI MEDIA |

Milkiilaha Shirkadda Dahabshiil oo diiday inuu raaco wafdiga Muuse Biixi ee aaday Mareykanka

Mulkiilaha Shirkadda Dahabshiil Group oo diidey inuu raaco waftiga Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee gelinkii dambe shalay u dhoofay dalka Mareykanka.

Warar laga xaqiijiyey ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Haaji Maxamed Saciid Dualle uu ka mid ahaa dadkii qaatay dal ku gal Mareykanka, isla markaana liiska lagu qoray, balse uu gebi ahaanba diidey inuu waftigaas raaco.

Xaaji Dahabshiil ayaa la sheegay inuu mabda ahaan ka soo horjeedo arimaha kala goynta dalka, isla markaana uu dhawr jeer sheegay inuu yahay Ganacsade Soomaaliyeed oo Umadda Soomaalida ah oo dhan dhex u ah. Magacyada dadka Muuse Bihi la socda ayaa gadaal lagaga daray Cabdirashiid Maxamed Saciid, balse waxa la sheegay in Cabdirashiid uu si joogto ah u tego Mareykanka, isagoo markastaba kormeera xarumaha shirkada ee waqooyiga Amerika.

Cabdirashiid Maxamed Saciid ayaa haysta Baasaboor Ingiriis ah oo markasta Visaha Mareykanka loogu dhufto. Waftiga Muuse Biihi ayaa la kulmi doona Shakhsiyaad kooban oo ka socdo NGO’yo iyo xubno meeqaam hoose ah oo ka socda waaxda arimaha Dibadda dowladda Maraykanka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa noqonaya Madaxweynihii maamulada dalka Soomaaliya  ka jira ee shanaad ee yimaada Maraykanka, waxan horey u tegay Daahir Rayaale, Cabdiraxmaan Faroole, Axmed Silanyo iyo Cabdiweli Gaas.

Mulkiilaha Dahabshiil ayaa dhawr jeer ka sheegay fagaarayaal inuusan marnaba isagu qayb ka ahayn kala goynta dalka Somalia. Isagoo ka hadlayey xafladda furitaanka Hotel Damal ee Berbera ayuu dhawr sanadood ka hor sheegay uu yahay Soomaaliweyn.

Exit mobile version