Site icon HORUFADHI MEDIA |

Mileteriga Suudaan oo Mareykanka kula heshiiyay in ay dhisaan Dowlad cusub oo…

Hogaamiyaha militariga ee afgambiga ku qabsaday dalka Suudaan General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa Mareykanka kula heshiiyey in la dedejiyo dhismaha dowlad cusub, kadib markii uu amar ku bixiyay in la sii daayo afar wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddii rayidka aheyd, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Sudan.

Hogaamiyaha oo telefoonka kula hadlay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken,ayaa sheegay in labada dhinac ay isla garteen baahida loo qabo in la dardargeliyo dhismaha dowlad cusub oo maamusha dalkaasi.

Horumarka ayaa yimid iyadoo jeneraalada ugu sarreeya dalka iyo madaxdii hore ee rayidka ay yeesheen wada xaajoodyo adag oo ku saabsan sidii looga bixi lahaa qalalaasaha ka dhashay la wareegitaanka militariga ee talada dalkaasi.

Mareykanka ayaa ku baaqay in la sii daayo dadka u xiran afgambiga,waxayna soo jeediyeen in la soo celiyo nidaamkii dowladnimo ee dimoqraadiga,halka, Qaramada Midoobay ay,iyaduna ku howlan tahay isku day ah sidii loo soo afjari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay afgambiga.

Dhanka kale, mudaaharaadyo ballaaran ayaa laga yabaa  in manta oo  Jimco ah in ay ka dhacaan caasimadda Suudaan ee Khartoum iyo magaalooyinka kale oo waaweyn.

Exit mobile version