Site icon HORUFADHI MEDIA |

Midowga Yurub oo Ukraine ugu deeqay 70 diyaarado Dagaal, xili Dagaal culus weli…

Madaxa EU ugu qaabilsan Ammaanka,  Josep Borrell ayaa sheegay inay 70 diyaaradaha Dagaalka ku wareejin doonaan Milliteriga Ukraine dabayaaqada isbuucan.

Waxa uu xusay inay dhowr waddan oo xubno ka ah EU-da ay go’aansadeen inay Ukraine ugu deeqaan diyaaradaha Dagaalka, si loogu xoojiyo awoodda Ciidanka Cirka ee dalkaasi.

Duuliyayaal u dhashay dalka Ukraine ayaa ku sugan Caasimadda dalka Poland ee Warso, si loo siiyo Tababar ay ku hanan karaan Diyaaradahaasi oo ay isku nooc yihiin kuwa ay Ciidanka Cirka ee Ukraine haatan ku hawl-galaan oo Ruushka lagu soo farsameeyey.

Dowladaha la sheegay inay Ciidanka Cirka Ukraine ugu deeqeen diyaaradahaasi ayaa kala ah: Poland,  Bulgaria iyo Slovakia.

Dhinaca kale, Baarlamaanka dalka Ukraine  (The Ukrainian Par6) waxay shalay Bartooda Twitterka ku soo daabaceen inay Midowga Europe u soo dirayaan 70 Diyaaradaha Dagaalka.

Qoraalka waxaa lagu xusay in dalka Bulgaria ku deeqeen  16 Diyaaradaha Dagaalka ee MiG-29s iyo 14 Diyaaradaha Dagaalka ee Su-25s. Poland waxay ku yaboohday 28 Diyaaradaha Dagaalka Poland ee MiG-29, iyadoo Slovakia siinayso Ciiddanka Cirka ee Ukraine 12 Diyaaradaha Dagaalka ee MiG-29s.

Exit mobile version