HORUFADHI MEDIA |

Midowga Musharaxiinta oo ku baaqay in la joojiyo Doorashada Golaha Shacabka

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa galabta kulan ku yeeshay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoona kulankooda uga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo doorashooyinka socda.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa ay ku dalbadeen  in doorashada  Golaha Shacabka ee socota la hakiyo, shir wadatashi ahna la isugu yimaado, si loo joojiyo boobka, lana xaliyo tabashooyinka laga qabo doorashooyinka.

Golaha ayaa soo jeediyay in la saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashada oo ay ugu horeyso in la shaaciyo liiska 135 Oday dhaqameed iyo in la xaqiijiyo Ergada doorashada ay yihiin kuwo ay soo xuleen Odayaasha dhaqanka ee la diiwaan geliyay.

Sidoo kale Midowga ayaa dalbaday in kursi kasta lagu tartamo, isla markaana la mamnuuco malxiiska iyo in shakhsi loo xiro, ayna goobta doorashada kor joogta ka ahaadan Soomaali, kuwo heer Caalami ah iyo Saxaafadda Madaxa banaan.

Exit mobile version