Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Midowga Musharaxiinta oo Dalab hor-dhigay Golaha Wadatashiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay shir guddoomiyay shir fogaan arag ah oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka kaas oo diirradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka .

Wajiga hore ee kulanka waxa warbixin laga dhageystay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal kaas oo faahfaahin ka bixiyay dib u dhacyada ku yimid jidwalka doorashooyinka, hufnaanta doorashada iyo wadashaqeynta ay uga baahan yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Waxa kulanka sidoo kale ka qeyb qaatay xubno matalayay Midowga Musharraxiinta oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne hore Shariif Shiikh Axmed ,Madaxweyne hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakuur.

Xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ka dalbaday in la saxo qaladaadka ka jira habraacyada doorashooyinka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay hufnaanta doorashooyinka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Exit mobile version