Site icon HORUFADHI MEDIA |

Midowga Afrika oo War kasoo saaray xoreynta Degmada Aadan-yabaal

Midowga Afrika oo Ciidamada Soomaaliya ugu hambalyeeyay xoraynta degmada Aaden Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa Ciidamada dowladda Federaalka iyo saaxiibadooda ku bogaadiyay xoraynta degmada Aaden Yabaal oo sannado dhowr ah heysteen Al-shabaab.

“Waxa aan bogaadineynaa geesiyaasheenna ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada oo howlgallada milatari ee soconaya ku muujyey in ay awood u leeyihiin in jab culus oo aan soo kabasho lahayn ay Al-Shabaab ku gaarsiiyaan godadkooda” ayuu yiri Mohamed El-Amine Souef.

Warka Midowga Afrika ayaa soo baxay wax yar kadib markii dowladda Soomaaaliya si rasmi ah u shaacisay in Al-shabaab laga xoreeyay degmada Aaden Yabaal, isla markaana ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Exit mobile version