Site icon HORUFADHI MEDIA |

Maxkamadda sare ee Kenya oo bilowday kiiska Dacwada Raila Odinga

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa la filayaa in ay go’aan kasoo saarto dacwad uu u gudbiyay musharax Madaxweyne Raila Odinga , oo dhawwaan guddiga doorashada dalka Kenya qaarkood shaaciyeen in looga guuleestay doorashadii madaxweynaha ee dhacday.

Madaxweynaha la doortay ee  Kenya Wlliam Ruto ayaa dhankiisa maxkamadda sare ee Kenya u gudbiyey codsi ahaa in lix kamid ah guddiga doorashada (IEBC) laga mamnuuco ka qeyb galka dacwadda doorashada madaxweynaha ee maxkamadda loo gudbiyay.

Codsiga madaxweynaha la doortay ee Kenya ayaa waxaa soo diiday maxkamada sare ee Kenya, waxa uuna go’aankan kasoo baxay maxkamadda sare dhabar jab siyaasadeed ku yahay William Ruto oo ka cabsi qaba in doorashadii uu ku guuleestay la kansalo.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaana si rasmi ah u bilowday kiiska dacwada doorashada madaxweynaha ee ka dhacday Kenya, waxaana kiskan ka qeyb qaadanaya in ka badan 100-qareen oo kala matalaya labada xisbi ee doorashada isku haya.

 

Exit mobile version