HORUFADHI MEDIA |

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Amartay in lasoo qabto Guddoomiye ka tirsan…

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Saalax Cali Maxamuud ayaa amar ku bixiyey in lasoo qabto Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada degaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho Guuleed Cabdi Xuseen.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Garyaqaan Saalax Cali ayaa waxaa Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir lagu amray inuu mudo 24-saacadood lagu soo qabto oo Maxakamada la horgeeyo Guddoomiye Guuleed Cabdi Xuseen.

Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada degaanka Garasbaaleey ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu is hor istaag shaqo  iyo handadaad ku sameeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo tan rafcaanka Gobolka iyo Maxkamadda sare ee  dalka.

Exit mobile version