Site icon HORUFADHI MEDIA |

Maxkamadda G/Banaadir oo Amar cusub ka soo saartay lacagtii laga qabtay Imaaraadka

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr. Cabdikhadar Maxamad Xasan ayaa sheegay inaan labixin karin lacagtii Imaaraadka Carabta looga qabtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Sanadkii 2018.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay inaan la saari karin kacagtaasi sababo la xiira inuu socdo baaritaan oo tan iyo inta laga soo dhameynayo ay saarnan doonto xayiraad, isagoo in kiiska Lacagtani iyo go’aankaba uu horyaalo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Hay’adda Baarista.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku amartay Gudoomiyaha Bangiga dhexe iyo Wasaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle in aysan saari karin lacagtaasi oo gaareyso {9,600,000} sida ku cad Xafiiska xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa horey u sheegay inuu ka raali gelinayo lacagtaasi la xayiray, sidoo kalana uu dib u soo celin doono, waxayana sidoo kale kusoo adeeysaa xili maanta uu Rooble u ambabxay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Exit mobile version