Site icon HORUFADHI MEDIA |

Maxkamadda Ciidamada oo Maanta xukun dil ku riday Nin lagu helay arrin halis ah

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa Maanta xukun ku riday Askari horey uga tirsanaa Ciidanka xoogga dalka oo lagu helay inuu ka kamid yahay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Eedeysane Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) ayaa waxaa uu Al-shabaab u qaabilsanaa gudbinta Gawaarida Qaraxyada ah ee ay Al-shabaab ku weerari jirtay magaalada Muqdisho.

Maragyada wax laga waydiiyay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow waxa ay qireen in shaki badani ka qabeen intuu uu kamid ah Saraakiisha ku qoran Villa Baydhabo ee aan howlaha Ciidamada ku Jirin .

September 19 keedii 2019 ayaa lagu helay in uu Qarax geeyay Ururka 38 Aad Ee degan Villa Baydhabo.

Maxkamadda ayaa ugu dambayn Maanta Go’aan ka soo saartay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow), waxa ayna ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah Qosaasta Marxuun Cabdirisaaq Aabi Cali, sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Exit mobile version