Site icon HORUFADHI MEDIA |

Maxay ka wada hadleen Wasiirka Gaashaandhigga iyo  Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Qatar?

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Qatar, ahna wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Khalid bin Mohammad Al Attiyah.

Labada masuul ayaa waxay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan labada wasaaradood gaashaandhigga.

“Waxaan uga mahadcelinayaa martiqaadka & soodhaweynta Maamuuska sare leh ee naloo sameeyay,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Exit mobile version