Site icon HORUFADHI MEDIA |

Maxay ka wada hadleen Taliye Odawaa, Safiirka Mareykanka iyo Taliyaha AFRICOM?

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Lary Andre iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika Gen. Towsend ayaa booqasho ku tagay Saldhigga Balli-doogle, halkaasoo xarun u ah Ciidamada Mareykanka, kuwa Kumaandoska Xoogga dalka.

Sidoo kale waxay wadajir ula kulmeen Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odawaa Yusuf Raagge, iyagoo ka wada hadlay arrimaha amniga iyo la dagaalanka waxaa loogu yeero Argagixisada.

Kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday taageerada Mareykanka ee ku aadan Ciidamada Xoogga dalka iyo tababarada Ciidamada, wuxuuna Taliye Odawaa Safiirka iyo Taliyaha AFRICOM ee qaaradda Afrika uga mahadceliyay booqashada ay ku tageen Balli-doogle.

Waa markii ugu horeysay ee Danjiraha Mareykanka ee Somalia Lary Andre uu booqasho ku tago xerada Bali doogle  oo ah goob aad loo ilaaliyo oo ay joogaan ciidamo kooban oo Mareykan ah iyo kuwa Danab.

Exit mobile version