Site icon HORUFADHI MEDIA |

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Xamse & Safiirka Boqortooyada Sacuudiga?

Photographer: Abdishukri Haybe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Saalax Al Mowliid.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ka mahadceliyay doorka Boqortooyada ee arrimaha la xiriira horumarinta iyo gargaarka bini’aadanimo.

Dhinaca kale Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya ayaa isna ka mahadceliyay qaabilaadda iyo soo dhaweynta loo sameeyay.

Exit mobile version