Site icon HORUFADHI MEDIA |

Maxay ka wad hadleen Wasiiradda Arimaha Dibadda Soomaaliya iyo Imaaraadka?

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa xalay khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Imaraadka Carabta, Mudane Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan.

Wasiirka iyo Wasiiru-dowlaha ayaa ka wada hadlay hagaajinta xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay labada dowladood u leedahay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah, iyaga oo isdhaafsaday aragtiyo waxtar u leh iskaashiga arrimaha hortebinta u leh danaha labada qaran.

Wasiirk Cabdisaciid Muuse Cali ayaa waxaa uu ugu hambalyeeyay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta ka mid noqoshahooda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horraantii bishan.

Ugu dambeyn Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Imaaraadka uga tacsiyeeyey dhibbaneyaasha weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Abu Dhabi, kaasi oo ay fuliyeen kooxda xuutiyiinta dalka Yemen, iyaga oo weerar u adeegsaday Drones.

Exit mobile version