Site icon HORUFADHI MEDIA |

Maxaa looga hadlay kulan RW Rooble la yeeshay Sheekh Shariif iyo Kheyre?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Madaxweynihii hore iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble, Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Arrimaha siyaasadda dalka iyo dhaqanka galka Qodobadii kasoo baxay Shirkii doorashada.

Inta uu socday kulanka Madaxda ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay dardar-galinta arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo dhaqan galin lahaa, waxyaabihii kasoo baxay shirkii Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Waxaa shalay galab Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shir maalmihii lasoo dhaafay u socday Golaha Wadatashiga Qaran ee hoggaanka uu u hayo RW Rooble, waxaana sidoo kale shirkaasi lag tala galiyay Midowga Musharixiinta, iyagoona la dhageystay tallooyin ku aadan doorashada dhaceysa.

Exit mobile version