Site icon HORUFADHI MEDIA |

Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Guudlaawe?

Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan Albaabada u xirnaayeen ku yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Kulanka ayaa intii uu socday diirada lagu saaray doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ee dhawaan lagu wado in ay ka bilaabato magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne.

Sheekh Shariif ayaa u sheegay Madaxweynaha Hirshabeelle in laga rabo qabashada doorasho u dhacda si xor iyo xalaal ah, waxa uuna ugu baaqay in doorashada la dedejiyo oo lagu soo gabagabeeyo bisha December.

” Waxaan isla qirnay muhiimada ay leedahay dedejinta iyo daah furnaanta doorashada iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in ugu dambeyn la soo gabogabeeyo doorashada Xildhibaanada ka hor dhammaadka bisha December ee soo socota ayuu yiri” Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa xiriir dhaw la leh Madaxweynaha Hirshabeelle, waxa ayna labadan masuul marar badan kulamo gaar ah ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Exit mobile version