Site icon HORUFADHI MEDIA |

Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray RW Xamse, Gaas iyo CC Sharmaake?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoygiisa kulan kula qaatay labo kamid ah Ra’iisul Wasaarayaashii dalka soo maray oo kala ah Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Xamsa ayaa Ra’iisul Wasaarayaasha hore warbixin qoto-dheer kasiiyay shaqada Xukuumadda iyo guulaha ay ku tallaabsatay oo ay ugu horreyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, halka uu maraayo barnaamijka deyn cafinta oo heer gebo-gebo ah ku dhow.

Sidoo kale waxa uu Xamse Ra’iisul Wasaareyaasha hore uga warbixiyay hannaanka dalka looga qadaayo cuna-qabateynta hubka iyo sidii Dowladda Soomaaliya dhammaadka sannadka 2024 ula wareegi lahayd amniga dalkeenna.

Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka mid ah Madaxdii Hore iyo siyaasiyiinta dalka, oo shir wadatashi ah uu uga furmay magaalada Muqdisho iyaga iyo madaxda dowladda Federaalka.

Shirka oo maanta galay maalintii labaad ayaa lagu gorfaynayaa xaaladda dalka, amniga, la dagaalanka Al-Shabaab, dib u eegista dastuurka iyo dimuqoraadiyeynta dalka.

Exit mobile version