Site icon HORUFADHI MEDIA |

Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn  uu ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Taliska Ciidanka Mareykanak ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn diyaaradeed oo maalmo kahor ka fuliyeen deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Qoraal kasoo baxay Taliska AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday agagaarka deegaanka Teedaan ee Hiiraan, isla markaana duqeynta lala bartilmaameedsaday dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay weerarkaas dhanka cirka ku dileen ugu yaraan 13 ka tirsanaa Al-Shabaab, isla-markaana aysan jirin khasaare soo gaaray shacabka ka agdhawaa goobta uu weerarka ka dhacay, waa sida hadalka u dhigeen.

Taliska Ciidanka Mareykanak ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sidoo sheegay in howlgalkii dhacay qayb ka ahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya, wuxuuna Mareykanku intaasi ku daray inuu sii wadi doono la dagaalanka Al-Shabaab.

Sikastaba, Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale tababar siiyaan ciidanka Danab ee Xoogga Soomalaiyeed.

Exit mobile version