Site icon HORUFADHI MEDIA |

Mareykanka oo war ka soo saartay Rabshadaha ka socda Laascaanood

Xarunta Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa war kooban ka soo saartay bannaanbaxyada rabshadaha wata ee maalmihii ugu dambeysay ka socday Magaalada Laascaanood.

“Wararka ku saabsan rabshadaha Laascaanood, waxaan codkeena ku biirinaynaa dadka ku baaqaya in xaaladda la dejiyo.” ayaa lagu sheegay warka Safaaradda Mareykanka.

Sidoo kale Warka ayaa lagu yiri “Nabadda iyo kala dambaynta waa in la ilaaliyo, lagana dhowrsado dagaal lagu waxyeeleynayo shacabka iyo burburinta hantida.”

Bannaanbaxyada 5 maalmood ee ugu dambeysay ka socday Magaalada Laascaanood ayaa yimid, ka dib dilkii habeenkii Isniinta magaaladaasi loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka ee siyaasadda ka muuqday, xubina ka ahaa Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Waddani.

Ciidamada Booliska Maamulka Somaliland ayaa toogasho ku dilay dhowr qof oo kamid ah dadkii dhigaayay banaanbaxyada, in ka badan 10 qof ayaa lasoo weriyey inay ciidamada rasaas ku dileen, halka tirro intaas badan ay dhaawacmeen.

Exit mobile version