Site icon HORUFADHI MEDIA |

Mareykanka oo War cusub ka shaaciyay khasaaraha Duqeymo uu la beegsaday Al-shabaab

Taliska ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyey duqeymo diyaaradeed oo uu ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Qoraal kasoo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymaha oo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Cadale lagu dilay dagaalyahano badan oo ka tirsan Al-shabaab oo hal goob ku sunaa.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqaymahan ay ahaayeen kuwo is-difaacid ah oo lagu dilay ku dhawaad 20 dagaalame Shabaab ah, ayna duqeymaha kala dheceen 14-kii iyo 17-kii bishan December.

Sidoo kale Taliska ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa intaas kusii daray in qiimayntu ay muujinayso inaan dad rayid ah aysan ku dhiman, kuna dhaawacmin duqaymahan.

Weerarada diyaaradaha Turkiga iyo Mareykanka ayaa kusii kordhaya gobolka Shabeellaha Dhexe, taasi oo muujineysa in saaxiibada caalamka ay si dhab ah uga go’an tahay in Al-Shabaab laga cirib-tiro dalka.

Exit mobile version