Site icon HORUFADHI MEDIA |

Mareykanka oo Duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab la fuliyay Somalia

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa weerar dhinaca cirka ah ku qaaday dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka Beer Xaani oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

War kasoo baxay howlgalka Ciidamada Mareykanka ee Afrikom ayaa lagu sheegay in duqeynta ka dhacday deegaanka Beer Xaani lagu dilay ugu yaraan shan dagaalyahan oo katirsan Al-shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntan dhacday xili dagaalyahanada Al-shabaab weerar kusoo qaadeen ciidamo katirsan dowladda, waxa ayna Mareykanka sheegeen in howlgalkaasi isla ogaayeen ciidanka Soomaaliya.

Warka kasoo baxay milatariga Mareykanka ee fadhigoodu yahay Jabuuti ayaa lagu sheegay in duqeynta aysan waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah kaliyana lagu beegsaday dagaalamayaal katirsan Al-shabaab.

Exit mobile version