Site icon HORUFADHI MEDIA |

Mareykanka oo Duqeyn ka dhacday duleedka Mqdisho ku dilay xubno AS ah

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Taliska Ciidamada Mareykanka qaarada Afrika ee AFRICOM ayaa duqeyn ka fuliyay degaan aan magaciisa la shaacin oo 285-KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta dhacday ay ku timid Codsi Mareykanka uga yimid dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana duqeynta lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Mareykanka ayaa intaas kusii daray in duqeynta diyaaradeed lagu dilay 20-xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaasi oo ku sugna degaanka la duqeeyay oo 285-KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Arbacadii, ayaa Ciidanka dowladda Soomaaliya waxa ay sheegeen in ay dileen ugu yaraan 20 dagaalame, ayna dib ugala wareegeen Al-Shabaab degaanno ku yaalla bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada dowladda Federaalku waxay bilaabeen howlgal militeri bishii August kadib weerarkii Hayat hotel ee Muqdisho, kaasoo lagu dilay 21 qof, laguna dhaawacay 117 qof.

Exit mobile version