Site icon HORUFADHI MEDIA |

Mahad Salaad oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxaa haatan ka socota doorashada saddex kamid ah kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada oo lagu bilaabay kursiga HOP#147, ayaa waxaa ku soo baxay Mahad Maxamed Salaad oo markale dib loogu doortay Golaha Shacabka Soomaaliya, isagoo kursigaas ku fadhiyey 9-kii sanno ee lasoo dhaafay.

Ergada doorashada oo aheyd 101 ergo ayaa Cod gacan taag ah ugu Coddeeyay Mahad Maxamed Salaad inuu mar kale noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, wuxuuna helay Mahad Salaad dhammaan codadkii gacan taaga ahaa ee ergada doorashada.

Guddiga doorashada Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 uu kusoo baxay Mahad Maxamed Salaad oo 9-kii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kuraasi Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda.

Sidoo kale doorashada ayaa halkeeda kasii socon doono, waxaana la guda-galayaa kuraasta xigta ee qorshuhu yahay in maanta doorashadooda lagu qabto Dhuusamareeb.

Exit mobile version