Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Jubbaland oo Maanta soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya shirka madasha wadatashiga oo berri ka furmi doona Muqdisho.

Masuuliyiinta katirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa duhurnimadii Maanta soo saaray Muqdisho, waxaana kasii horreeyay oo shalay yimid Madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Saciid Cabdullaahi Deni oo ah Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa kaliya ka maqan caasimadda Muqdisho, waxaana isna la filayaa inuu saacadaha soo socda soo gaaro, Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo kala duwan.

Exit mobile version