Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u baxay degaanada lagula dagaalamayo Al-shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arroornimadii hore ee saaka oo sabti ah kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray Al-shabaab iyo abaabulka dagaalka lagaga xoreynayo dalka waxa uu furimaha dagaalka kaga dhagaysan doonaa Talisyada iyo Saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa la sheegay in kulamadiisa inta badan ay ahaan doonaan kuwo uu ku bogaadinaya Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ee macwiisleyda sida naf-hurnimada leh ee ay u diifaacayaan dalkooda.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u kuur-geli doona xaaladda nololeed ee ka jirta deegaanno ka tirsan gobollada uu booqanayo ee Hiiraan, Galguduud iyo Mudug.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku aaday qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo todobaadkii lasoo dhaafay uu hakad galay howlgaladii ka socday Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Exit mobile version