Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay xilliga dalka dib loogu soo celinayo Eritrea

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soonaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday xilliga dalka dib loogu soo celinayo Askarta tababarka ugu maqan dalka Eritrea.

Madaxweynaha oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacday Gobolka Minnesota ee Mareykanka in soo daabulida Askarta ku maqan Eritrea ay bilaababeyso inta aysan dhamaan bishaan December 2022.

Wuxuu xusay Xasan Sheekh in keenista dalka Askarta maqan lasoo dhameystirayo bisha soo socota ee Janaayo 2023, isla markaana uusan jiri doonin dib u dhac dambe oo ku aadan in Askarta qaadatay tababarka casriga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay ugu yaraan laba jeer, wuxuu safar ku tegay dalka Eritrea, si soo celinta ciidankaas uu ugala xaajoodo madaxda dalkaas.

Askarta oo tababar ugu maqan dalka Eritrea mudo ku dhow afar sano ayaa waxaa aad u yar macluumaadka laga heli karo, waxayna galeen tababar culus oo noocyo badan leh, waxaya yihiin Ciidan dalkaan wax kusoo kordhinaya.

Exit mobile version