Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ugu ambabaxay Ereteriya iyo ujeedkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Ereteriya, ka dib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa Isaias Afwerki.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeellan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si gaar ah u lafo-guri doona xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Xasan Sheekh ayaa intii uu ka mid ahaa Musharaxiinta Mucaaradka uu su’aalo badan ka keenay halka Ciidankaas ku dambeeyeen iyo sidii dowladdii hore aysan Shacabka iyo waalidiinta dhalinyaradaas ula wadaagin xogta ciidamadaas oo xaaladooda oo warar kala duwan ka soo baxayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu xafiiska yimid bilaabay safarro dalka dibaddiisa ah kuwaasi oo looga dan leeyahay xoojinta iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay caalamka.

Exit mobile version