Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar qarsoodi ah ku tagay Imaaraadka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa Maanta safar qarsoodi ah ku gaaray dalka isutaga Imaaraadka Carabta, sida ay xaqiijiyeen Illo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Madaxweynaha ayaa diyaarad khaas ah ka qaatay magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay, halkaasi oo uu uga qeyb galay Shirkii 32-aad ee Madaxda Ururka Jaamacadda Carabta.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kulamo la qaadan doono Madaxweynaha Sheekh Maxamed Bin Zayed Al-Nahyaan, oo ay ka wada hadli doonaan arrimo la xiriira siyaasada Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa bixiya mushaaraadka ciidamada Boolis Milataaro ee calooshood u shaqeystayaasha ah ee lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaasi oo dhawaan lagu wareejiyay amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Safarkan uu saaka ku tagay Imaaraadka Carabta ayaa ku soo aaday maalmo kaddib markii uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Qatar oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Si kastaba, gudaha dalka Imaaraadka ayaa waxa degen ku dhawaad 50 qof oo ah qoyska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasoo qaab martigelin ah ugu sugan dalkaas.

Exit mobile version