Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta xilka kala wareegaya Maxamed Farmaajo

Madaxweynihii xilka ka dagaya ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta  xafiiska baneeynaya talada dalkana ku wareejiyo Madaxwaynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxwaynaha JFS Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xilka ku guuleystay 15-ka bishan kadib Doorashadii ka dhacday Teendhada Afisyooni isagoo la wareegayaa xilka Madaxwaynaha Soomaaliya 8 maalin kadib Doorashadii uu ku soo baxay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta xilka ku wareejinayo Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dalka Madaxweyne ka ahaa shan sanno iyo dheeraad.

Qabanqabaadii u dambeysay Munaasabada xil wareejinta ayaa socota Villa Somalia, waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh u bilaabaneysa 4 sanno oo uu dalka Madaxweyne ka ahaan doono, isagoo noqday Madaxweynihii ugu horeeyey Somalia ee labo jeer xilka loo doorto.

Exit mobile version