Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ku wajahan Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo talaado ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa safarkiisa Baydhabo ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka, Wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan Madaxtooyada, iyagoona saacadaha soo socda ee Maanta tegaya Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, iyagoona ka wada hadli doona xaaladda guud ee dalka iyo tan deegaanka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Maanta la filayaa inuu xariga ka jaro Madaxtooyada cusub ee Koonfur Galbeed oo hab casri ah loo dhisay, Madaxtooyada oo sawirradeeda xalay lagu baahiyey bogga facebook ee Koonfur Galbeed ayaa loo dhisay hab aad u qurux badan, waxaana sida muuqata ku baxay qarash badan.

Ammaanka Magaalada ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, waxaana Ciidamo ka dhigay waddooyinka ka baxa iyo kuwa soo gala Garoonka diyaaradaha Shaati Guduud, waa safarkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegayo Baydhabo tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay.

Exit mobile version