Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirkii Turkiga

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mehmet Yilmaz oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Yilmaz, doorka uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Labada dal, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Mehmet Yilmaz oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin walaalahooda Turkiga, kuwaas oo u soo gurmaday dadkeenna xilligii adkaa.

Exit mobile version