Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Kismaayo & xogta safarkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa inay gaaraan magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira arrimaha Gobolka Gedo iyo sidii loo bilaabi lahaa howlgalo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab oo saldhigyo iyo xarumo waaweyn ku leh Gobolka Jubbada Dhexe.

Madaxweynaha ayaa inta ku sugan yahay Kismaayo ayaa waxaa uu kulamo kala duwan uu la qadan doonaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaam Axmed Madoobe iyo Golihiisa Wasiirada, iyaga oo kala wada hadli doona arrimo kala duwan.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa laga dareemayaa Maanta qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha, iyada oo Ammaanka Magaalada siweyn loo adkeeyay, waxaana la xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sidoo kale tegi doono degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, halkaas oo uu ka furi doono shir dib u heshiisiin ah, si xal buuxa looga gaaro khilaafka Gobolka Gedo.

Exit mobile version