Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Sacuudiga & xogta safarkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gelinkii dambe ee shalay ka ambabaxay dalka Jabuuti ayaa gaaray magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Riyaadh uga hortagay oo kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Boqortooyada Sacuudiga iyo Safiirka dowladda Federaalka ee dalkaas u fadhiya.

Ujeedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka shirka dalalka Carabta iyo Shiinaha kaas oo looga hadli doono iskaashiga iyo horumarka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Sacuudiga waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madax ka tirsan Boqortooyada oo ay kala wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Exit mobile version