Site icon HORUFADHI MEDIA |

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Amar kusoo rogay Golaha Wasiirada Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta oo khamiis ah shir guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ah ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ayaa faray golaha in la joojiyo shirarka dalka dibaddiisa lagu qabto intii laga maarmi karo, isla markaana lagu qabto gudaha dalka, isagoo ku booriyey in Sanadkaan uu yahay sanadkii dib u xorreynta iyo waxqabadka.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa golaha faray in la hubiyo Mashaariicda  hormarineed ee dalka laga fuliyo in ay yihiin kuwo waxtar uleh bulshada Soomaaliyeed.

Shirka golaha wasiirada ayaa maanta lagu ansixiyay hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan galinta dadweynaha oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha, iyo hindise sharciyeedka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka.

Si kastaba Amarkaan uu siiyay Madaxweynaha, Golaha Wasiirada ayaa kusoo aaday, iyada oo Inta Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay shirarka iyo tababarada ku qabtaan dalalka deriska sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya,

Exit mobile version